Taliye Biixi Oo Sheegay In Al-Shabaab Ay Ka Carareen Saldhigyo Ay ku Lahaayeen Koonfurta G/Mudug

0

Taliyaha Ciidanka Lugta xooga General Biixi ayaa waxa uu ka hadlay arimo badan oo ku sabasan Dagaalada alshabaab iyo Ciidanka dowladda ee ka soconaya Koonfurta Gobolka Mudug

Waxaana uu sheegay in markaan alshabaab ay kasii dhamaanayaan deegaanada dhaca konfurta Gobolka Mudug isagoo tilmaamay in goobo badan oo ay ku sugnaayeen ay ciidanka Dowladda iyo Kuwa Galmudug ay gacanta ku dhigeen

Taliye Biixi ayaa waxa uu sheegay in Ciidanka Dowladda markii ay yimaadeen meel 20 km u jirta ay xubno ka tirsan alshabaab ay iska baxsadeen goobti ay ku sugnaayeen

Waxaana taliyuhu uu hadalkiisa ku sheegay in dhaawan ay deegaanada Gobolka mudug ka saaridoonan islamarkaasna lasoo gabagabeynayo Howlgalada iyo Dagaalada ka soconaya koonfurta Gobolka Mudug

Dhankada dhalinyarada ku jirta Alshabaab ee dagaalamaya ayuu ugu baaqay in ay isku soo dhiibaan ciidanka Dowladda in ay goorgoortahay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here