Puntland Oo Bogaadisay Go,aankii Ra’iisul Wasaare Rooble

0

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxa uu taageeray Go,aan xukuumadda Soomaaliya ay ku diiday amar soo saaray madaxweyne Farmaajo kaas oo kusaabsanaa in xayiraad laga saaray Dhamaan Heshiisyada Caalamiga ah inta lagu Guda jiro waqtiga Doorashada

War Qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Puntland ayaa u qornaa sidatan

Dowladda Puntland waxay ku boggaadinaysaa Ra’iisul Wasaare Maxamed Xusseen Rooble. hoggaaminta Dalka ee muddada kala guurka ah, hirgelinta doorashada iyo xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee Soomaaliya la leedahay adduunka.

Dowladda Puntland waxay markasta aaminsan tahay sarreynta sharciga sida ku cad qodobka 4-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ah.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here