Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dilay xalay magaalada muqdisho loogu geeystay askari ka tirsanaa ciidamada xooga dalka
Rag bastoolada ku hubeysan ayaa lagu soo waramayaan in dilka askarigaan ay geeysteen islamarkaasna ay goobta iskaga baxsadeen.
Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilka askariga ciidanka dowladda lagu geeystay muqdisho
al-shabaab ay ku baahiyaan dhinaca interneetka waxa ay ku sheegteen in ay xalay degmada wadajir ee gobolkaani banaadir ku dileen sarkaal laba xidigleh ah oo ka tirsanaa ciidamada dowladda
al-shabaab ayaa sarkaan ay dileen magaciisa kusoo koobay indho ,waxaana ay sheegeen in ay ku dileen howgal qorsheysan oo ay ka fu;liyeen xaafado ka tirsan degmada wajir
Al-shabaab ayaa inta badan dilal la beegsada iyo qaraxyo masuuliyiinta shaqaalaha iyo ciidamada dowladda kuwaasi oo ku sugan duleedka iyo gudaha magaalada caasimada ah ee muqdisho

