Iyadoo maalmihii ugu dambeeyay ciidanka xoogga dalka iyo Daraawiishta Nabadsugida Galmudug howlgaloka dhan ah Al-shabaab ay kawadeen degaano hoosyimaado degmada Xarardheere ee gobolka Mudug kuwaasi oo ay kamidyihiin degaanka Baacadweyn, Caamara,Qayacad,Qodqod Wisil iyo degaano kale oo katirsan gobolkaasi mudug.
war ka soo baxay warbaahinta dowladda ayaa waxa lagu shgeegay in Howlgaladii ugu dambeeyay ee ciidanka ay ka fuliyeen duleedka degaanka Qayacad ay khawaare xoogan ku gaarsiiyeen dagaalamayaasha Al-shabaab.
Howlgalka oo ay ciidanka xoogga dalka duqeeymaha dhinaca cirka kataageerayeen saaxiibadooda caalamka ayaa waxaa ay sheegeen in Al-shabaab looga dilay in kabadan 70 xubno iyo saraakiil iskugu jira iyadoo dhaawaca uu intaasi kabadanyahay
Sidookalana hub aad farabadan looga furtay howlgaladii ugu dambeeyay sida uu Warbaahinta Ciidamadda Qalabka Sida usheegay Taliyaha Ciidanka Dhulka Xoogga Soomaaliyedd Jeneraal Maxamed tahliil Biixi.
Jeneraal Biixi Taliyaha Ciidanka Dhulka Xds ayaa tilmaamay in howlgalkii kasocday aaga Qayacad lasoo afjaray islamarkaasna loo dhaqaaqidoono dhanka degmada Xarardheere iyo nawaaxigeeda
Ciidanka xoogga dalka iyo ciidmadda amaanka Galmudug ayaa howlgalada ay kawadaan gobolka Mudug waxaana ay guulo dhowr ah ka sheehteen howlgaladaasi iyagoo sheegay in qasaare xoogan ay kugaarsiiyay dagaalamayaasha Al-shabaab

