Xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland ayaa Maanta kulankoodi ugu horeeyey ku yeeshay magaalada Hargeysa
Waxaa ay ku doorteen guddoomiyaha golawaiilada cusub ee soomaal8iland
Kulanka maanta ee xildhihbaanada soomaaliland ayaa ahaa mid xasaasi ah iyadoona uu hareeyay sawaxan iyo buuq faraqbadan
Xildhibaanada ayaa cod aqlabiyad leh ku doortay cabdirisaaq khaliif oo ka socday xisbiga mucaarad ah ee wadani in uu noqdo gudoomiyaha shanta sano ee soo soconta hogaamin doona golaha wakiilada soomaaliland
Gudoomiyaha cusub ee la doortay ayaa sadax cod oo klaiaya kaga guuleystay wasiirkii hore ee arimaha dibada soomaaliland yaasiin xaaji faratoon oo la tartamayay.
Tani Waxa ay ka dhigantahay in markale ay guuleysteen Xisbiyada midoobay ucid iyo wadani kuwaasi oo doorashadii bishii may dhacday helay kuraasta ugu badan golaha wakiilada soomaalind
Waxaana kulanka maantay ka muuqday loolanka adag ee ka dhexeyay xibiyada ka jira soomaaliland kuwaasi oo si aad ah uga soo horjeeday xibiga dalada soo hayay ee kulmiye

