Guddiga Hirgalinta Doorashadda Heer Federaal oo uu Hogaaminayo Gudoomiye Guddiga Maxamed Xasan Cirro, ayaa xalay la kulmay Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka ee uu dhawaan magacaabay Raysal Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Kulankan ayaa ahaa mid ku qotomay is xogwaraysi iyo talo is waydaarsi ku aadan sidii loo xaqiijin lahaa qoondada Haweenka ee Doorashada Soomaaliya.
Guddiga Doorshada ayaa si deg deg leh u wada howlaha doorashooyinka ,waxaana laga mamaarmaan ah in doorshadaasi socota lailaaliyo qoondadda yar ee haweenka loogu talagalay
Si Arintaasi ay u dhabowdana waxaa loo xilsaaray guddiga xaqiijinta qoondada haweenka kuwaasi oo durbadiiba muujiyay walaaca ay ka qabaan in aan la ilaalin qoonddada haweenka
guddigaan ayaana dhaliishiisii ugu horeysay u jeeday maamulka jubbland iyo doorashadii aqalka sare ii uu qabtay walow wali ay wax dhimanyihiin doorashadaasi
haweenka ayaa sanaadkaan aad u doonaya in siyaasada ay kasoo muuqdaan ,waxaana jirtay in ay aad ugu yar yihiin in ay u gudbaan maadaama aan looga baran haweenka bulshaduna aysan aaminsaneyn siyaasada haweenka

