Waxaana maanta magaalada beydhabo ee xarunta kumeel gaarka maamulka koonfur galbeed ka bilaabanaysa qabashada codsiyada qaar ka mid ah xubnaha musharaxiinta ah ee utartamaya ka mid noqoshada senetarada aqalka sare ku matali doona koonfur galbeed.
Madaxweyne Cabdicasiis xasan maxamed lafta gareen ayaa soo magacaabay shanka mid ah xubnaha utartamaya doorshada aqalka ee maamulka koonfur galbeed
Maanta ayayna si rasmi ubilaanabaysaa diiwaalinta xubnahaasi iyadoona kadib qabashada codsiyadooda la gudoonsii doono shahaado cadeynaysa in musharaxaasi la diiwaan galiyay islamarkaasna uu buuxiyay shuruudihii looga baahnaa.
Maamulka koonfur galbeed ayaa sida ku cad jawadka doorashada ee uu soo saaray waxa uu bari oo isniin ah qabanayaa doorashada xubnahaan la diiwaan galinayo maanta oo uu soo magacabay madaxweynaha koonfur galbeed
Doorashada senetarada aqalka sare ayaa si dardar leh uga socota gudaha dalka iyadoona maamul goboleedyada qaar ay qaar kamid ah hada qabteen halka uwa kalana laga dhursugayo in dhawaan ay bilaabaan doorashadaasi

