Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa madaxweynaha maamulka Koonfur galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed ku bogaadiyay soo saarista jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo liiskooda.
Ra’iisal wasaare ayaa u rajeeyay doorashadu Aqalka sare ee ka dhaceysa magaalada Baydhabo in ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan.
Madaxweynaha Koonfur galbeed ayaa gelinkii dambe ee shalay shaaciyay magacyada xubnaha musharaxiinta Aqalka sare, kuwaas oo doorashadooda dhici doonta, sida lagu shaaciyay Jadwal ay soo saareen guddiga maamulka doorashada Koonfur galbeed maalinta isniinta ee soo socota.
Maamulka Koonfur Soomaaliya ayaa noqday maamul goboleedkii labaad Oo si rasmi ah soo magacaabay guddigaya doorshada aqalka sare ,waxaana kaga horeyay maamulka jubbaland
maalinta bari oo isniin ah ayaana la filayaa in ay qabtaan doorashada xubnaha aqalka sare ku matalaya maamulka koonfur galbeed

