Wararka aan ka helayno gobolka sool ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay gudaha magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool lagu dilay guddoomiyihii guddiga doorashada soomaaliland ee gobolka sool
Gudoomiyaha Gobolka Sool Ee Dhinaca Soomaaliland Cabdiqani Maxamuud Jiidhe ayaa Xaqiijiyay Geerida Guddoomiyihii Komishanka doorashooyinka ee Gobolkaasi Cabdilaahi Laba-go’le. oo Xalay Abaaro Sagaalkii fiidnimo lagu dilay magaalada Laascaanood.
gudoomiyaha Ahna Duqa Gobolka Sool ayaa waxa uu Warbaahinta Qaranka u sheegay inay Socoto baadhis iyo hawlgal ballaadhan oo lagu doonayo in lagu soo qabto ciddii dishay marxuum Cabdilaahi Laba-go’le.
Guddoomiyuhu wuxuu intaas ku daray in marka baadhista laga gun gaarayo Saxaafadda iyo bulshadaba loo soo bandhi doono
Sidoo kale wuxuu Guddoomiyuhu tacsi u diray qoyskii,qaraabadii iyo shacbiga gobolka Sool ee marxuumku ka baxay.
magaalada laascaanood ayaa waxa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan oo ay geystaan kooxo hubeysan oo aan heybtooda la garaneyn
kuwaasi oo dilka kadib goobta iskaga baxsada

