Ciidamada Xooga Dalka Gaar ahaana Ururka 7-aad ee Guutada 16-aad ee Kumaandooska Danab ayaa Saaka Howlgal Qorshaysan ka fuliyey Degaanka shaam oo qiyaastii 28km dhanka Waqooyi Galbeed kaga beegan degmada mahaday Ee Gobolka Shabeelaha Dhexe.
Saraakiisha ciidamada dowladda ayaa guulo ka sheegtay howlgaladaan,waxaana ay sheegeen in ay ka ku guuuleeysteen ujeedka laga lahaa howlgalakaani.
Ku Simaha Taliyaha ururka 7 aad ee Guutada 16 aad ee kumandooska Danab l/x/le ahmed maxamed salaad ayaa sheegay in Howlgalka ujedkiisu uu ahay burburin goobo ay sheegeen in al-shabaab ay lagacagaha kaga qaadirireen dadka shacab ka ah
warkasoo baxay warbaahinta dowladda ayaa lagu sheegay in Bulshada ku Dhaqan Degaankan shaam ay ka dulqaadeen dhibaato ay ku hayeen Al-shabaab.
Hawgalkan ayaa qayb ka ah hawlgalada guud Ciidanka xoogga Dalka soomaaliyeed ka wadaan gobolada dalka kuwaasi oo ka dhan ah dagaalamayaasha Al-shabaab

