Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal Xoogan Oo Duqeymo Culus ay Barbarsocdaan Socdaan oo Barqanimadii Maantay ka bilowday Deegaan Ka tirsan Degamada Xarardheere Ee Gobolka Mudug.
Dagaalka ayaa bilowday ka Gadaal markii ciidanka xoogga dalka iyo daraawiishta Galmudug ay weerar ku ekeeyeen goobo ay ku sugnaayeen Al-shabaab oo dhaca Bariga iyo Koofurta gobolka Mudug.
Warar aan helayno ayaa waxa ay sheegayaan In khasaare kala duwan ay ka dhasheen Dagaal iyo duqayn dhanka cirka oo Ciidamada dowladda ay ku qaadeen Saldhig Dagaalamayaasha Al-Shabaab ay ku lahaayeen aagga u dhexeeeya Deegaanka Qaycad iyo Degmada Xareere Dheere, ee Gobolka mudug.
Waxaana lagu soo waramayaa in ciidamada dowladda iyo kuwa Galmudug ay gudaha u galeen saldhigyada la duqeeyey ee dhaca koonfurta gobolka mudug.
Maamulka Galmudug oo war kasoo saaray Dagaalkaan iyo duqeymaha ayaa waxa ay sheegeen in lagu beegsigsaday xarumo ay al-shabaab ku sugnaayeen oo ku yaal deegaanada maamulka galmudug gaar haan koonfurta gobolka mudug
Dagaalkaan iyo duqeynta ayaa waxa si wada jir ah iskaga kaashaday Ciidamada dowladda kuwa maamulka Galmudug iyo Diyaadaraha aan duuliyaha laheyn ee mareykanka kuwaasi oo mudooyinkii dambe dhaqdhaqaaqyo ka waday deegaano ka tirsan gobolka mudug .
Duqaynta ayaa noqonaysa tii saddexaad oo deegaanada koofurta Mudug ka dhacda saddexdii todobaad ee la soo dhaafay,iyadoona ay mudooyinkii dambe halkaasi ay ciidanka dowladda iyo al-shabaab ku dagaalamayeen islamarkaasna ay guulo dhowr ah ka kala sheeganayeen howlgalo iyo dagaalo toos ah oo ka dhacay koonfurta gobolka mudug

