Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor ayaa laga codsaday inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare.
Guddoomiyaha Guddiga doorashada heer Dowlad Goboleed ee Galmudug Maxamed Daahir Guuleed ayaa sheegay in lagu guda jiro waqtiga doorashada, sidaas darteedna ay ka codsanayaan Madaxweynaha Galmudug inuu soo gudbiyo Liiska Musharaxiinta Aqalka Sare.
Horay talaabadaan Waxa uqaaday madaxweynayaasha maamul goboleedyda jubbaland iyo koonfur Galbeed kuwaasi oo soo magacaabay xubnaha u tartamaya doorshada aqalka sare ee maamuladaasi


