Madaxweynaha Jubbaland Oo Goordhaw Ku Dhawaaqaya Liiska Xubnaha Utartamaya Aqalka Sare

0

Madaxweynaha dowlad goboleedka jubbland Axmed Maxamed islaam Madoobe ayaa waxa lagu wadaa in goodhaw uu shaaciyo xubnaha musharaxiinta ee utartamaya xildhibaanada aqalka sare ee barlamaanka soomaaliya

Madaxweyne axmed madoobe ayaa ku sugan magaalada kismayo isagoona halkaasi kulamo kula qaadanaya guddiga doorashooyinka heer faderaal oo shalay gaaray magaalada kismaayo iyadoona la filayo in si rasmi ah ay ubilaabato doorashada xildhibaanada aqalka sare oo la taaganyahay waqtigii lagu balamay in ay bilaabato

guddiga doorashooyinka heer faderaal  ayaa sheegay in Jubbaland ay udub dhaxaad u tahay qabsoomidda doorashada la filayo in dalka ay ka dhacdo islamarkaasna ay ka sugayaan in ay dadajiyaan arimaha doorashada gaar mida aqalka sare oo ay noqonayaan maamul goboleedkkii ugu horeya oo doorasho deegaanadooda ay ka dhacdo

madaxweynaha jubbaland ayaa haatan waxa saaran cadaadiska ugu iyadoona laga sugayo in uu soo magacaabo xubnaha musharaxiinta aqalka sare oo si aad ah laiakugu garbinayo

wararka ayaana sheegaya in madaxweynuhu oo saacadaha soo socda ku dhawaaqayo liiska xubnaha utartamata aqalka sare

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here