Madaxweynaha maamulka puntland Saciid cabdulaahi dani ayaa waxa uu bmagacaabay guddi cusub kuwaasi oo qabanqaabinaya xalaflada munaasanada 1-ogosto oo ku beegan markii la aas aaysay maamulka uu hogaamiyo ee puntland
Wareegto Kasoo baxaday xafiiska madaxweynaha punland ayaa waxa lagu magacaabay guddigaan oo ka kooban todobo xubnood islamarkaasna loo xilsaaray ka shaqeynta munaasabada weyn ee lagu xusayo markii dhidibada loo taagay maamulka puntland
Halkaan Hoose Ka aqriso Magacyada Xubnaha
- Xasan Shire Cabdi Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda (Guddoomiye)
- Cabdisamed Maxamed Gallan Wasiirka Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta (Xubin)
- Aamino Cismaan Jaamac Wasiirka Wasaaradda Haweenka (Xubin)
- Jaamac Faarax Muuse Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Shaqaalaha (Xubin)
- Cabdisalaan Siciid Faarax Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta (Xubin)
- Cabdi Xasan Xuseen Taliyaha Ciidanka Booliska (Xubin)
- Maxamed Cabdirashiid Cali Agaasimaha Guud Madaxtooyada (Xubin)
23 sano ayaa laga jooga markii dhidibada loo taagay maamulka puntland 1-8-1998

