Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Dad Lagu Qabqabtay Ka Sameeyay Xaafado Katirsan Muqdisho

0

Ciidamada dowladda ayaa xalay waxa ay howlgalo qorsheysan kafuliyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada caasimada ah ee muqdisho

Howlgaladaan ayaa waxa sameenayay ciidamada booliska gobolka banaadir ,waxaana lasoo qabqabtay dad u badnaa dhalinyaro

Ciidamada dowladda ayaa howlgaladaan waxa ay ka fuliyeen xaafada ka tirsan degmooyinka  howlwadaag iyo boondheere

Ciidamada ayaa baaritaano ku sameeynayay dadka iyo gaadiidka ,waxaana la tilmamay in ciidanku ay dadka qaar sii daynayeen halka kuwa kalana la sheegay in baaritaano dheeri ah loo sheegay in lagu sameeynayo

Dadka deegaanka ayaa waxa ay inoo sheegeen in howlgaladaan ay ciidamadu ka sameeyeen si gaar aha isgoosyada maanabooliyo ilaa taalada daljir daahsoo iyo goobo kale oo ay ku jiraan isgooska howlwadaag iyo 21 novenber oo dhamaantood ka tirsandegmooyinka boondheere iyo howwadaag ee gobokani banaadri

Saraakiil ka tirsan  ciidama dowladda ayaa waxa ay sheegeen in howlgaladani ujeedkoodu uu ahaa xaqiijinta amaanka iyo ka hortagida falal ka amnidaro eek a dhaya magaalada caasimada ah ee muqdisho

Howlgaladaan ayaa waxa ay kusoo naadayaan xili ciidamada dowladda ay sidaan ookale habeeno ka hor howlgalo kaga fuliyeen xaafado ka tirsan degmada warta nabada oo ay ka dhaceen weerar hoobiyaal oo adeegsaday oo lagu garaacay madaxtooyada vila soomaaliya meelo aan ka fogeyn

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here