Deg Deg : Meydadka Dad Shacab ah Oo Lagu Arkay Duleedka Muqdisho

0

wararka aan ka helayno duleedka magaalada muqdisho ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saakay meyd ka laba qof oo shacab ah lagu arkay xaafad ka tirsan degmada kaxda ee gobolkani banaadir

Dadka shacabka ah ee ku dhaqan suuqa degmada kaxda ayaa waxa ay idaacada simba u sheegeen in saakay aroorsii dadka deegaanku ay kusoo tooseen meydka laba qof oo dhalinyaro ah kuwaasi oo wadada yaala

mid kamid ah dadka deegaanka ayaa waxa uu inoo sheegay in meyd labadaan wiil ee dhalinyarada ah aan la aqoon ciddishay sidooakle waxa uu sheegay in jirkooda uu ka muuqdo rasas farabadan oo lagu dhftay

waxa uu intaasi ku daray in ilaa iyo hada la qaadin meydka dhalinyaradaani islamarkaasna ay dad deegaanku iskugu soo bexeen dhacdadaan oo cabsi iyo walwal badan ku abuurtay

laamaha amniga dowladda ayaana la sheegay in la filayo in goordhaw ay gaaraan goobtaasi oo ay halkaasi kasoo qaadaan meydka laba qof oo dhilinyaro ah kuwaasi oo la tilmamay in meydkooda lasoo dhigay degmada kaxda

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here