Al-Shabaab Oo Sheegtay Inay La Wareegeen Deegaan Ka Tirsan Gobolka Mudug

0

Al-shabaab ayaa  sheegay in saacadihii lasoo dhaafay xubno ka tirsan ay  si buuxda ula wareegay gacan ku haynta deegaanka Dhag-haye oo hoos taga degmada Hobyo ee gobolka Mudug.

Wararka al-shabaab ay ku baahiyaan dhinaca interneetka waxa ay ku sheegteen in Dagaal la,aan  ay kula wareegeen deegaanka kadib markii ay ciidamada dowladda faderaalka ay iskaga baxeen

Horay Dagaalamayaasha al-shabaab ayaa sidaan oo kale si nabdoon ula wareegay deegaanka bacaadweyne ee gobolka mudug walow mar dambe ay ciidamada dowladdu dib u qabsadeen

sidookale la wareegida al-shabaab ayaa waxa ay imaanaysaa xili dhawaan ay dagaal xoogan oo u dhexeya ciidamda dowladda iyo dagaalamayaasha al-shabaab ay ka dhacayeen deegaano ka tirsan gobolkaasi mudug gaar ahaana deegaanka wisil ee koonfurta magaalada hobyo

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here