Qarax Khasaare Geystay Oo Lala Eegtay Ciidamo Ka Tirsan Amisom

0

warar aan ka helayno gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in saacadiihii lasoo dhaafay qarax xoogan ciidamo ka tirsan kuwa amisom lagu eegtay deegaano ka mid ah gobolka shabeelaha hoose

Ciidamadaan ayaa waxa la sheegay in ay ahaayeen kolonyo sahay waday oo kasoo baxay deegaanka goobweyn  islamarkaasna ku sii jeeday deegaanka buulamareer ee gobolka shabeelaha hoose balse iyaga oo meel dhexe maraya uu haleelay qarax weyn

khasaare kala duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxaan lala eegtay ciidamadaan ka tirsan kuwa amisom

al-shabaab ayaa sheegay masuuliyada weerarkaan qaraxa loo adeegsaday ,waxaana ay sheegeen in qasaare xoogleh ay ciidamada amisom ku gaarsiiyeen ciidamada amisom

al-shabaab warar ay ku baahiyaan barahooda dhinaca inerneetka ayaa waxa ay ku sheegteen in qarax xoogan ay la beegsadeen kolonyo ciidamo katirsan amisom islamarkaasna waxa ay sheegeen in ay ku dileen weerarkaasi hal askari oo katirasanaa ciidamada amisom halka laba askari oo kalan ay sheegeen in ay ku dhaawaceen

al-shabaab warkasoo baxay ayaa sidookale  lagu sheegay in weerarka qaraxa ah ee lala beegsaday ciidanka amisom lagu dilay nin lagu magacaabo maxamed dheere oo ay sheegeen in uu ciidamada amisom uu turjumaan u ahaa

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here