Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ayaa maantay waxa ay xukuno kala duwan ku riday rag lagu soo eedeeyay in ay si gaar ah dhac farsameeysan ugu geeysan jireen hablaha soomaaliyeed
Ragaan ayaa maxkamada la horgeeyay iyadoona dhageysi dheer kadib maxkamdu ay soo gabagabeysay 8 bishan dahgeysiga dhawacda
Waxaana maantay maxkamadu ay ku dhawaqay xukuno kala duwan oo ragaan lagu riday
Cabdifitaax cali Cumar oo kamid ahaa ragii maxkamada la horgeeyay islamarkaasna qirtay dambiga loo heystay ayaa waxa ay maxakamdu ku xukuntay 10 sano oo cabsi ciidanka
cabdifitaax ayaa sigaar ah loogu heystay in dhac uu u geysan jiray hablaha soomaaliyeed isaga oo adeegsanaya hab farsamo oo qiyaano ay ku dheehantahay waxaa ka qaadan jiray moobilada iyo agabyada kale oo ay wataan
Nuur cali Xasan ayaa maxkamada ciidamada isagana waxa ay ku xukuyntay 2 sano oo cabsi ciidan ah waxaana la sheegay in ninkaan uu qaabilsanaa in uu iibiyo moobilada lasoo dhaco

