Ciidamada Dowladda Oo Howlgalo Ka Fuliyay Xaafado Katirsan Muqdisho

0

Ciidamada Dowladda Gaar Kuwa Booliska ayaa xalay waxa ay howlgalo qorsheysan ka sameeyeen xaafado dhowr ah oo ka tirsan magaalada caasimada ah ee muqdisho

Howlgaladaan ayaa waxa ay ciidamada boolisku ka fuliyeen  xaafado ka tirsan degmada warta nabada ee gobolkani banaadir

Waxaana howlgaladaani ay ahaayeen kuwa ciidanku ay guri gri ubaarayeen xaafadaha ku yaal degmada warta nabada

Lama oga sababta rasmiga ah  ee howlagaladaan oo  ay ciidamada dowladdu u sameeyeen balse wararka ayaa waxa ay sheegayaan in howlgaladaani ay daba socdaan tiro madaafiic ah oo habeen ka hor lagu garaacay aggagaarka madaxtooyada villa soomaaliya

Laamaha amniga dowladda wali wax faafaahin ah kama aysan bixin iyadoona dadka deegaanka ay sheegayaan in ciidanku ay u sheegeen in lasoo amray oo howlagaladaan ay yihiin kuwa amniga lagu xaqiijinayo

Howlgaladaan ay xalay sameeyeen Ciidamada dowladda ayaa waxa ay imaanayaan xili saacahiihii laso dhaafay ay sii kordhayeen falal amnidaro ee ka dhacay magaalada muqdisho iyo duleedkeeda iyadoona ay xusid mudan tahay in gudaha magaalada saacadihii lasoo dhaafay ay ka dhaceen dilaal loo geystay askari iyo weeraro lala beegsaday saldhigyo ciidamada dowladda ay ku sugnaayeen

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here