warar aan ka helayno gobolka shabeelaha hoose ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay gudaha degmada afgooye lagu dilay askari ka tirsanaa ciidamada dowladda
Wararka ayaa sheegaya in Rag Bastoolado ku hubeysan ay ka dambeeyeen dilka askarigaan islamarkaasna ay goobta iskaga baxsadeen dilka kadib
Al-Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilkaani waxaan ay warar ay ku baahiyaan dhinaca interneetka ay ku sheegteen in ay saacadiihii lasoo dhaafay ay askari katirsan ciidamada dowladda oo lagu magacaabo Cismaan Xaaji Cumar ay ku dileen degmada afgooye.
Al-Shabaab wararka kasoo ayaa lagu sheegay in Askariga la dilay uu caan ku ahaa degmada Afgooye islamarkaasna uu dadka ku dad shacabka ku dhibaateyn jiray gudaha dagmadaas
Dilkaan ayaa waxa uu kusoo aadayaa xili dhawaan al-shabaab ay sheegteen masuuliyada dilka guddoomiye waaxeed ka tirsanaa maamulka degmada afgooye kaas oo lagu magacaabi jiray Cabdullaahi Maxamed Amiin.

