Faahfaahino :- Gudoomiye Waaxeed Lagu Dilay Duleedka Muqdisho

0

warar naga soo gaaraya duleedka magaalada muqdisho ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay guddoomiye waaxeed ka tirsanaa degmada kaxda lagu dilay duleedka magaalada muqdisho

rag bastoolada ku hubeysan ayaa waxa la sheegay in ay geysteen dilka guddoomiye waaxeedkaan ,waxaana warar sheegayaan in dilka kadib ay goobta iskaga baxsadeen ragii ka dambeeyay dilkaasi

al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilkaan ,waxaana ay sheegeen in xubno ka tirsan ay dil qorsheysan ugu geeysteen gudoomiyo waaxeed ka mid ahaa masuuliyiinta degmada kaxda ee gobolkani banaadir

wararka al-shabaab ay ku baahiyaan dhinaca baraha ay ku leeyihiin interneetka waxa ay ku sheegteen in Cali Nuur Cali Axmed Oo ahaa guddoomiye waaxeed dowladda faderaalka ah ugu magacowna degmada kaxada ay xalay ku dileen xaafada albiri ee duleedka magaalada muqdisho

dilka gudoomiyaan ayaa waxa uu ksuoo aadaya xili mudooyinkii dambe ay sii kordhayeen weeraarada qorsheysan oo lala beegsanayo ciidamada iyo masuuliyiinta dowladda

dhankale waxa uu dilkani imaanaya xili xalay ciidamada booliska dowladda ay soo bandhigeen meydka nin ay sheegeen in uu ka tirsanaa al-shabaab oo ay ku dileen Ex koontrool balcad

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here