Taliska Booliiska Soomaaliland Oo Sheegay In Ay Qabteen Nin Dil Ka Geystay Magaalada Burco

0

Ciidamada booliska  magaalada burco ayaa waxa ay sheegeen in ay gacanta kusoo nin horay qof ugu dilay gudaha suuqa weyn ee magaalada burco

waxaana ay sheegeen in ninkaan ay qabteen uu yahay in da,a ah oo doonayay in uu baxasado basle ciidamada amaanka magaaladu ay gacanta kusoo dhigeen

ninka odayga ah oo ay soo qabteen ciidamada booliska soomaaliland ayaa waxa magaciisa lagu sheegay Mustafe Axmed Cali iyadoo boolisku ay sheegeen in ninkaan uu afkiisa ka qirtay in dhowr xabadood oo bastoolad uu ka riday uu ku dilay qofkaasi

Taliyaha ciidanka booliska soomaaliland ee magaalada burco ayaa waxa uu sheegay in ninkaan eedeeysanaha ah oo ay qabteen ay ku wareejin doonan maxkamada gobolka islamarkaasna Cadaalada la marsiin doono

taliyaha ayaa intaasi waxa uu raaciyay  in ay tani tusaale cad u tahay in marna aysan aqbaleyn in falal amniga kasoo horjeeda ay ka dhacaan magaalada burco ee xarunta gobolka togdheer

qabashada ninkaan odayga ah ee dilka geeystay ayaa waxa uu imaanaya xili mudooyinkii dambe ay kacsanayd xaalada magaalada burco islamarkaasna ay ka dhacayeen dilaal si yaabo kala duwanloo geeystay iyadoo ay xusid mudantahay  ciidanka booliska burco ay todobaadkaan gacanta kusoo dhigeen askari wiil arday ah ku dilay burco

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here