Ciidanka Booliska Dowladda Oo Toogasho Ku Dilay Xubin ka Tirsan Al-Shabaab

0

Ciidamada Booliska gobolka Banaadir ayaa Ex Control Balcad ku toogtay nin ku hubeysanaa Qori Ak-47, kaasi oo la sheegay in uu weerar ka fuliyo  dhismaha ka soconaya  waddada xariirisa Muqdisho iyo Balcad ee Gobollada Banaadir iyo Shabeelaha Dhexe.

Wararkasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidanka ay  feejignaa dheeriya qabeen  soo maleego ayaa islamrkaasna ay ka hortageen  ninkaan oo doonayay in uu carqaladeeyo dhismaha wadadaasi

Waxaa Sido kale warkasoo baxay dowladda lagu yiri “Ciidanka ninkaan waxa ay  ka qaadeen boorso uu watay , taasi oo la tuhunsan yahay in ay ku jiraan walxaha qarxa, waxaana hada baaraya Ciidanka booliska gobolka Banaadir”

Arintaan ayaa waxa ay imaanaysaa xili al-shabaab ay dhowr jeer weeraro ka fuliyeen wadada xiririnaysa muqdisho iyo jowhar oo uu socdo dhismaheeda islamarkaasna dowladdu ay ilaalina u xilsaartay ciidanka booliska sida gaarka ah utababaran ee haramcad

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here