Xulka Kubbada Cagta Ingiriiska Oo Markii Ugu Horeysay Gaaray Final Tartanka Qaramada Qaarada Yurub

Xulka qaranka ingiriiska ayaa xalay  iska xaadiriyay kama dambeysta tartanka qaramada qaarada yurub ee Euro 2020

kulan xiisabadaan oo ka tirsanaa afar dhamaadka koobka qaramada qaarada yurub ayaa xalay waaxa wada ciyaaray xulka qaranka ingiriiska iyo xulka qaranka denmark

Ciyaarta ayaana ku bilaabatay weearar iyo weerar celis waxaana daqiiqadii 30 aad ee ciyaarta yimid goolkii koowaad oo uu shabaqa duldhigay laabka lagu magacaabo Mikkel Damsgaard,kaa oo hogaanka u dhiibay xulka qaranka denmark

Intaasi wixi ka danbeeyay waxaa uu cadaadis xoogan saarmay xulka ingiriiska oo xalay gurigooda wanbaleey marti loogu ahaa ciyaartu waxa ay sidaasi ku socotaba waxaa yimid goolka barbaraha  oo uu si kama ah iskaga dhaliyay laacibka daafaca ka ciyaara ee Simon Kjaer

90, daqiiqo eee ciyaarta ay kusoo dhamaatay barbaro 1:1 iyadoona loo baahday in  la aado waqti dheeri ah waxaana ciyaarta lagu daray 30 daqiiqo

Xulka qaranka ingiriiska ayayna usuuragashay in ay helaan goolka guusha oo uu u dhaliyay laacibka weerar ka ciyaara ee Harry Kane daqiiqadii 104 ee dhamaadkii qeybtii hore daqiiqadihii lagu daray ciyaarta sidaasina guushu ku raacday 2:1 xulka lagu naynaaso sadaxda libaax

Xulka kubbada cagta ingiriiska oo xalay markoodi ugu horeysay 63 sano kadib markii koonkaan ay qeyb galeen  gaaray finalkiisa ayaa la ciyaari doona xulka qaranka italy oo horay usoo gaaray heerkaan

Waxaana ciiyaarta kama dambeysta tartaka euro 2020 la ciyaari doonaan maalinta ah axada soo socota 11 bisha july

Leave a Comment

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Scroll to Top