Ciidamada Booliska maamulka soomaaliland ayaa waxa ay sheegeen in ay soo qabteen askari wiil arday ah oo dhiganayay jaamadaca camuudi ku Toogtay gudaha magaalada Boorama
Maamulka gobolka oo falkaan ka hadlay ayaa sheegay in dhacdadaan ay aheyd mid shil ah islamarkaasna ay hayaan askari qaladkaasi sameeyay cadaaladana ay horgeynayaa
Waxa kaloo ay beeniyeen in wiilkaan ardayga ah oo dilay in uu xirnaa dharka sameysan calanka soomaaliya iyo uu kasoo jeeday koonfurta
Waxaana Maamulka uu sheegay ardayga la dilay uu deegaan ahaan kasoo jeeday magaalada boosaaso ee gobolka bari
Dhanakale qaar kamid ah ardaydii waxa la baraneysay wiilka la dilay oo lagu magacaabo ibraahim ayaa ka tacsiyadeeyay geerida xanunka badan ee ku timid saaxiibkoodii wax la baranayay
Waxaana ay sheegeen in ay ardaygaan imtixaan isla galeen islamarkaasna uu jaamacada buug kusoo ilaaway uga laabtay uuna muran soo kala dhexgalay isaga iyo askari ilaalo ka ahaa jaamacada sidaasna lagu toogtay
Ardayda ayaa dhankooda been abuur ku tilmaamay in saaxiibkood loo dilay in uu xirnaa calamka soomaaliya dhar laga sameeyay

