Ciidamada Dowladda Oo Dib Ula Wareegay Dergaanka Bacaadweyne

0

Warar naga soo gaaraya gobolka mudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in Ciidamada Dowladda iyo kuwa daraawiishta maamulka galmudug ayaa howlgalo Saakay kula wareegeen deegaanada bacaadweyne ee koonfurta gobolka mudug

Alshabaab ayaa deegaankaan sadax bilood ka hor lawareegay kadib markii ciidanka Dowladdu faarujiyeen deegaanka

Saraakiisha Ciidanka Dowladda hogaaminayay ayaa waxa ay sheegeen in howlgalka lagu waeegay deegaanka ay si wada jir ah u fuliyeen Ciidamada dowladda qeyb 21 aad iyo ciidanka daraawiishta maamulka galmudug

Waxaana saaraakiishu ay intaasi ku dareen in uu jito iska hor imaad dhexmaray Ciidamada dowladda iyo xubno ka tirsan dagaalamayaasha Alshabaab balse ma aysa  sheeggin wax intaasi dhaafsan

Degaanka bacaadweyne ee dhaca konfurta gobolka mudug ayaa qiyaastii 25 km u jira deegaanka wisil oo ay dhawaan weerar ismiidaamin ah la beegsadeen Alshabaab

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here