Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Dilal saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay xaafado katirsan magaalada Muqdisho kuwaasi la sheegay in loo geeystay saraakiil katirsan ciidanka dowladda.
Kooxaha hubaysan ayaa isgoyska Bakaaraha maantay ku toogtay sarkaal katirsanaa ciidamada canshuuraha dowladda Federaalka ee Minishiibiyada loo yaqaan
iyagoona dilkaasi ay sheegteen ay sheegteen dagaalamayasha al-shabaab ,waxaana ay sheegeen in dilka kadib ay qori AK47 ah oo uu watay sarkaal horay u qaateen.
Dhanakale warar kale oo maanta barqadii ka dhacay xaafadda Raadaarka ee degmada Dayniile ayaa waxaa lagu dilay sarkaal katirsanaa Minishiibiyada
Al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada dilkaan sheegtay al-shabaab kuwaasi oo baraha dhinaca intarneetka kaasi oo magaciisa lagusoo gaabiyay Shariif,
Al-shabaab ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay weerarada qorsheysan oo ay labeegsanayaan ciidamada dowladda dilka saraakiishaan ayaa waxa uu imaanaya xili todobaadkaan bilowgiisa sarkaal ka tirsan dowladda dil nuucaan oo kale ah loogu geeystay isgooska bakaaraha ee Muqdisho

