Wasiirka Warfaafinta Dowlad Goboleedka Galmudug mudane Axmed Shire Falagle ayaa ka warbixiyey hawlgalo qorshaysan oo Ciidamada Daraawiishta Galmudug iyo kuwa Federaalka ee ku sugan Galmudug wadajir uga fuliyeen Saakay Deegaano balaaran oo u dhexeeya Degmadda Bacaadweyne iyo Wisil.
Wasiirka ayaa xusay in magaalada Bacadweyne iyo Tuulooyinka Qeycad, Hareeri dheere, Cimaamad iyo deegaamada ku hareeraysan hore u joogeen dagaalamayaasha Al-shabaab isagoo sheegay dhamaan deegaamada ay ka saareen oo Ciidanka dowladdu gacanta ku hayaan,isagoo shacabka uga mahadceliyay sida ay ula shaqeeyaan ciidamada.
Dhanka kale Wasiirka falagle oo la hadlay idaacada simba ayaa beeniyey warar sheegayey in al-shabaab Weerar Rogaal celis ah kusoo qaadeen Deegaanadaasi islamarkaasna ay qabsadeen , isagoo xusay in hadda Xaaladda Deegaanku tahay mid degan.
Hadalka kasoo baxay maamulka galmudug ayaa waxa uu imaanayaan xili al-shabaab ay sheegteen in ay dib ula wareegeen deegaanka bacaadweyne ee gobolka mudug

