Safaarada Soomaaliya Ee Kenya Oo Muddo Kadib Si Rasmi Ah U Shaqa Bilowday

0

Waxaana muddo kadib dib loo furay safaarada soomaaliya ee dalka ka kenya oo in nmuddo ah xirnayd sababo la xarrira xiriirka soomaaliya iyo kenya oo xumaaday

munaasabad si heer saro ah loo soo agaasimay oo lagu qabtay magaalada nairobi ee caasimada dalkaasi kenya ayaa waxa dib loogu furay safaarada soomaaliya

waxaana la tilmaamay in wixii haatan ka dambeeya ay safaarad qaban doonto howlihii shaqo ee ay uheysay shacabka soomaaliyeed

safiirka saraafada soomaaliya ee kenya maxamuud axmed nuur tarsan oo ka hadlay furitaan safaarada ayaa waxa uu sheegay in soomaaliya iyo kenya ay yihiin laba dal oo aan sinaba u kala go,aan

iyagoo sheegay in safaaradu ay si rasmi ah u h9owl bilowday islamrkaasna ay bixinayso adeegyadii kala duwaanaa ee ay qaban jirtay

waxaana uu intaasi ku daray hada wixii ka bilowday si toos ah loo soo aadi karo safaarada qof walbada loo qabanayo waxyaanaha uu u baahanayhay in loo fududeeyo

 

tan ayaa waxa ay kusoo aadeysaa xili muddoyinkii dambe uu xumaa xiriirka soomaaliya iyo kenya walow dowladda soomaaliya ay ku dhawaaqday in ay dib usoo celisay xiriirkii dib loo maasiyadeed ee kala dhexeyay kenya islamarkaasna dhankeeda dowladda kenya ay fasaxday dulimaadyada soomaaliya oo muddo ay hakadgalisay

sababta inta badan xiriirka soomaaliya iyo kenya uusan u wanaagsaneyd ayaana waxa lagu sheegay in dowladda kenya logu eedeeyo in ay fara galin ku heyso arimaha gudaha soomaaliya taasi ay kentay in soomaaliya ay ka carooto

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here