Dowladda Oo Faahfaahin Ka Bixisay Qaraxii ismiidaaminta ahaa Ee Ka Dhacay Muqdisho

0

qof waxyaabaha qarax ayaa waxa uu galinkii dambe ee shalay uu isku qarxiyay magaayad lagu shaaxo oo ku taal inta udhexeysa degmooyinka boondheere iyo shangaani  ee gobolka banaadir

waxaana qaraxaan ka dhashay qasaare kale duwan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac iyadoona la sheegay in qasaaruhu badan yahay maadaama goobta uu qaraxu ka dhacay ay aheyd mid ay ku sugnaayeen dad aad u farabadan

wasaarada warfaafinta xukuumada soomaaliya oo ka warbixisay qasaaraha ka dhashay qaraxaan ayaa waxa ay sheegtey in ay ku dhinteen 10 qof halka tiro intaasi kabadana ay sheegtay in ay ka dhasheen qaraxaan ismiidaaminta ah

Mar labaad al-Shabaab waxa ay caddeysay in rabshadda ay waddo aysan soohdin laheyn ayna si aan kala sooc laheyn u leyneyso dadka. Al-Shabaab waxa ay ku dadaashaa oo kali ah in ay gaysato burbur iyo fowdo. Himilooyinkaasina ma ahan kuwa meel ku leh Soomaaliya,” ayaa lagu yiri qoraalka

al-shabaab ayaa sheegtay masuuliyada qaraxaan waxaana ay sheegeen in qasaaro xoogleh ay ku qaarsiiyeen ciidamada dowladda

warar ay al-shabaab warbaahintooda ku baahiyeen waxa ay ku sheegteen  in ay qaraxaan ku dileen ilaa iyo 15  askari oo ka tirsanaa ciidamada dowladda

dhankale warka kasoo baxay dowladda ayaa waxa lagu sheegay in haatan ay socdaan baaritaano kale duwan oo ku aadan qaraxaan ka dhacay muqdisho

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here