Al-Shabaab Oo 10 Ruux Ku Toogtay Gobolada Baay Iyo Jubbada Dhexe

0

warar naga soo gaaraya gobolka bay ayaa waxa ay kusoo waramayaan in al-shabaab ay halkaasi ku toogteen dad ay eedayeen basaasiin
wararka al-shabaab ay ku baahinyaan barahooda dhinaca interneetka waxa ay ku sheegeen in goob Fagaara ah oo kuyaal degmada Buula Fuulay ee gobolka Bay lagu  dilay illaa 5 ruux oo ay sheegeen inay kuheleen  in ay ubasaasayeen sirdoonno caalami ah.

Dhinaca kale wararka laga helayo magaalada Jilib ayaa sheegaya in halkaas lagu dilay illaa 5 rag ah oo lagu eedeeyay in ay indho u ahaayeen sirdoonka Mareykanka.

1_C/raxmaan Axmed Maxamed oo da’diisu tahay (35) jir lana shaqaynayay hayadda sirdoonka MI6 ee dowladda Ingiriiska.

2_Sacad Muuse Xaaji Daahir da’diisu tahay (45) jir u shaqaynayay hayadda FBI-da Maraykanka.

3_Cabdow Mad Abow oo da’diisu tahay (47) jir lana shaqaynayay mukhaabaraadka Maraykanka ee CIA_da.

4_Cabdulle Cumar Maxamuud oo da’diisu tahay (35) jir waxaana lagu helay in uu gacan saar lalahaa sirdoonka Maraykanka.

5_C/qaadir Caddaan Xassan oo da’diisu tahay (49) jir lagu helay in uu la shaqaynayay sirdoonka Maraykanka ee CIA_da.

Isku geyn dadka al-shabaab ay ku dileen Jilib iyo Buula Fuulay ayaa gaaraya 10 ruux, shalay ayay aheyd markii sidaan oo kale 6 ay  degmada Saakoow ee Jubbada dhexe 6 qofood oo 5 ay rag ahaayeen halka haqlna ay dumar aheyd  .

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here