Shirka Golaha Wada Tashiga Qaranka Oo Maalintii Labaad Galay

0

Waxaa maantay maalintiisii labaad la filayaa in magaalada muqdisho uu ka furmo shirka golaha watashiga qaranka kaasi oo looga arinsanayo arimaha doorashooyinka dalka

Xukuumada soomaaliya oo shirkaan maalintiisii labaad galay  ka warbixisay ayaa waxa ay sheegtay in shirka aan looga hadlidoonin wax ka baxsan heshiiskii 27 may islamarkaasna aysan jirin wax isbadal ah loo lagu sameynayo heshiiskaasi nla gaaray

waxaa aad loo hadal hayay in madaxweynayaasha maamul goboleedyada qaar ay culuys weyn ku aheyd magaalooyinka laga doonayo in lagu qabto doorashada islamarkaasna waxa la sheegay in ay kulamo gooni gooni ah oo ay yeesheen ay uga wada hadleen arinkaan oo ay isla qaateen in looga hadlo shirka golaha watashiga qaranka

lama oga waxa ka dhicikara shirkaan iyo isbadalada ka imaankara iyadoo la tilmaamay in maamulada koonfur galbeed, jubbaland iyo hirshabeele ay dhamaantood culeysyo ka dareemayaan in doorashadu ay ka dhado dhanka koonfur galbeed magaalada baraawe taasi oo maamulka koonfur galbeed uu sheegay in amnigeeda an laisku haleeyn karin

waxaana uu sheegay in uu jeclaan lahaa in taabadalkeeda lagu qabto doorashada xildhibaanada koonfur galbeed ku mataya baarlamaanka 11 ee dalku uu yeelanayo magaalada beydhabo

maamulka jubbaland dhankiisa waxa uu maanka ku hayaa in magaalada garbahaarey uusan doorashada ka hirgalin karin maadaama ay sheegaan dad reer gedo in jubbaland aysan ka amar qaadan

dhankale maamulka hirshabeele dhankiisa magalada baladweyne ayay adagtahay sidii uu doorashada uga hirgalin lahaa maadaama ay dadkaasi kasoo horjeedaan maamulka uu hogaamiyo cali guudlaawe

shirka golaha watashiga qaran ayaaa laga dhursugaya waxa kasoo baxa waxaana aad loo filayaa in shirka maantay ama bari lasoo gabagabeeyo islamarkaasna laga soo saaro warmurtiyeed kaasi oo ku qotoma arimaha doorashada dalka ka dhacaysa

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here