Sarkaalkii booliiska ahaa ee dilay George Floyd, ayey maxkamad ku taal Minneapolis jimcihii ku xukuntay 22.5 sano oo xarig ah, dilkan oo aha mid wada taabtay quluubta shucuubka caalamka ayaa sababay mudaharaado ka dhacay badi daafaha dunida,George Floyd ayaa geeriyooday bishii May ee sannnadkii hore ka dib markii uu ciijiyey askari cadaan ahi.
Boqolaal shacab ah oo ka falcelinaya xukunka ayaa isugu soo baxay afaafka hore ee maxkamada, Ashley Dorelus oo ka mid ahayd kasoo qayb galayaasha dacwada ayaa tiri “ wax aan filayey in lagu xukumi doono ilaa 40 sano oo xarig ah.” Ayey tiri.
Qareenka qoyska Floyd,Benjamin Crump ayaa sheegay in xukunku uu ahaa “mid taariikhi ah maadaama uu ahaa xukunkii xabsi ugu dheeraa ee abid lagu rido sarkaal ka tirsan booliiska Minnesota, waxayna taasi umadda u horseedi doontaa hal talaabo oo u dhaw bogsiin iyadoo la qaaday talaabo xiritaan iyo la xisaabtan.”ayuu yiri qareenka.

