warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya dagaal u dhexeeya Ciidamada dowladda iyo kuwa amisom oo isku dhinaca iyo al-shabaab oo saacadiihii lasoo dhaafay ka dhacay deegaano ka tirsan shabeelaha dhexe
Dagaalkaan oo Ahaa Mid Khasaare kala duwan dhaliyay ayaa waxa uu yimid kadib markii xubno ka tirsan al-shabaab ay weerar xoogan ku qaadeen saldhigyo ciidanka dowladda iyo kuwa amisom kulahaayeen deegaanka biyacade ee gobolka shabeelaha dhexe
Khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa lagu soo waramayaa in dagaalkaan uu ka dhashay
wararka ayaana sheegay in laba askari oo ka tirsan ciidamada dowladda lagu dilay islamarkaasna tiro intaasi kabadan oo labada dhinac ahna ay ku dhaawacmeen
Taliska ciidamada dowladda oo si kooban uga hadlay dagaalkaan ayaa waxa ay sheegeen in weerar lagu soo gaaray islamarkaaasna ay iska difaaceen taabadalkeeda ay al-shabaab qasaare ku gaarsiiyeen
deegaanka biya cadde oo hoostaga degmada mahadaay ee gobolka shabeelaha dhexe oo dagaalku uu ka dhacay ayaa waxa la sheegay in haatan xaaladiisu ay dagantahay uu joogsaday dagaalku
