Ciidamada Puntland Oo Qabtay Markab Sharcidaro Kusoo Galay Xeebaha Gobolka Bari

0

Ciidamada badda puntland ee looyaqaan PMPF ayaa waxa la sheegay in markab weyn oo howlo culus ka waday xeebaha puntland ay gacanta ku dhigeen,waxaana la sheegay in markabkaan uu ahaa mid si sharcidarro ah kusoo galay puntland islamarkaasna sameeynayay kaluumeysi sharci aan marin

Qabashada markabkaan ayaa waxa ay timid kadib markii ciidamada badda puntland ay howlgalo ka sameeyeen xeebaha qandala ee gobolka bari islamarkaasna ay ksuoo qabteen markabkaan oo si sharcidaro ah kaga jalaabanayay Halkaasi

Saraakiisha Ciidamada Badda puntland ayaa waxa ay sheegeen in markabkaan ay lasocdeen ilaa 10 nin oo shaqaale ka ahaa markabka ,waxaana ay sheegeen in markankaan uusan wax ruqsad ah ka heysan maamulka puntland ayna sharciga horgeyn doonan

Saraakiisha ciidamada badda puntland ma aysan sheegin halka laga leeyahay markabkaan ay qabteen

dhowr jeer oo hore sidaan oo kale  ciidamada badda puntland ayaa howlgalo ay dhanka xeebaha ay ka fuliyeen kusoo qabtay doonyo iyo maraakiib la sheegay in kluumeysi sharcidarro ah ay ka wadeen deegaanada puntland

waxaana xusid mudan in qaarkood ay xukuno kala duwan ku rideen maxkamadaha ku yaal deegaanada puntland oo la horgeeyay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here