Wafdi Kasocda Dowladda Oo Gaaray Gobolka Hiiraan

0

Wafdi Balaaran oo uu hogaaminyo wasiirka wasaarada beeraha xuukmada Soomaaliya Ayaa maantay gaaray Magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan

Waxaana la sheegay in Garoonka diyaarahada baladweyne ay kusoo dhaweeyeen xildhibaano iyo masuuliyiin uu ka mid yahay gudoomiyaha degmada baladweyne

Wafdigaan ayaa ujeedka safarkooda baladweyne waxaa lagu sheegay in ay utageen in ay idhaindheyn ku sameeyaan fatahaadi wabiga shabeele ka geeystay deegaano ka tirsan gobolka hiiraan

waxaana wafdigaan ka socda dowladda ay halkaasi la tilmaamay in kulamo ay kula qaadanayaan maamulka gobolka si ay uga xogwareystaan arinta kusaabsan saameyntii ka dhalatay fatahaada wabiga shabeele

socdaalka wafdiga dowladda ayaa waxa uu imaanaya xili dhibaatooyin ka dhanka nolosha ah ay ka dhasheen saameynta dagaalo iyo fatahaado iskugu darsamay oo ka dhacay gobolka hiiraan

waxaana la filaya in dowladdu ay qeybtiida ka qaadato caawinta dadka masaakiinta ah ee la daalacaya xaalada adag ee ka jirta gobolka hiiraan

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here