Muwaadin Soomaaliyeed Oo Lagu Dilay Dalka Koonfur Afrika

0

kooxo burcad koonfur afrikaan ah ayaa waxa lagu soo waramayaan in muwadin soomaaliyeed   ku dilay  gudaha dalka koonfur afrika

muwaadinkaan soomaaliyeed ee la dilay ayaa waxa la sheegay in uu ka mid ahaa dhalinyarada soomaaliyeed ee ku ganacsata gudaha dalka koonfur afrika

waxaana dilkaasi uu yimid kadib markii rag hubeysan oo bur cag ah ay kusoo weerareen goob ganacsi oo uu muwaadinka soomaaliyeed lahaa intaasi kadib waxa la sheegay in muwaadinka iyo ragii burcada ahaa uu dagaal dhexmaray islamarkaasna ay rasasas ku fureen sidaasna uu u geeriyooday

mid ka mid ah ganacsatada soomaaliyeed ee dalka koonfur afrika ayaa xaqiijiyay geerida wiilkaan soomaaliyeed oo magaciisa lagu sheegay  maxamed cali kaariye

waxaana uu intaasi ku daray in dilka muwaadinka soomaaliyeed uu si gaar ah uga dhacay goobtiisa shaqada oo ku taalay magaalada limpopo ee gudaha dalka koonfur afrika

Dilka kadib waxa la tilmaamay in ragii burcada ahaa ee dilka kadmabeeyay ay goobta iskaga baxsadeen

waxaana daqiiqado kadib markii goobta soo gaaray ciidamada booliska dalka koonfur afrika kuwaasi oo halkaasi ka bilaabay howlgalo iyo baaritaano  ay ku badigoobayaan burcadii kaq dambeesay dailka muwaadinka soomaaliyeed

inta badan gudaha dalka koonfur afrika ayaa waxaa dilal iyo dhac loogu geeystaan muwaadiniinta soomaaliyeed ee ku ganacsata dalkaasi ,mana jirto wax talaabo ah dowlada koonfur  ay ka qabatay dilalkaasi oo si sidaba joog ah u dhaca marka laga reebo in marmar dhif ah lasoo qabto rag lagu hubmayo dilalkaasi

dhankale dowladda faderaalka soomaaliya ayaa dhankeeda waxa lagu eedeeyaa in ay ka gaabisay la xisaabtan dowladda koonfur afrika ee ku aadan dilalka iyo dhaca aan xadiga la heyn ee lagu la kacayo muwaadiniinta soomaaliyeed ee ogolaanshiyaha ganacsi ka heysta dowladaasi

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here