Waxa in ay iscasishay ku dhawaaqday mid ka mid ah xubnihii Guddigii doorashada galmudug oo uu dhawaan soo magacaabay madaxweynaha maamulka galmudug
Xaawo aadan yare culusow xaawo kiin oo ka mid aheyd guddiga maamulka galmudug ku matalaya guddiga doorashooyinka qaranka ee heer faderaal iyo heer dowlad goboleed
Arintaan ayaa waxa ay dib u dhac u tahay arimaha doorashooyinka oo la filayay in ay bilowdaan kadib markii lasoo dhameystiray guddiga doorashada
Waxaana haatan marakele laga dhursugayaan in maamulka galmudug uu soo magacaabo xubin cusub oo badasha xaawo kiin oo barteeda facebookga ku shaacisay in ay iskaga baxday guddiga doorashada maamulka galmudug ku matalaya arimaha doorashooyinka ka dhacaya dalka
Xaawo kiin macadeyn sababta rasmiga ah oo ay isku casishay balse waxa ay sheegtay in ay shaqadii loo igmaday ay iskaga tagtay

