Faah-faahin:-Weerar Dad Shacab ah Lagu Dilay oo Ka Dhacay Dhuusa-mareeb

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Dhuusa-mareeb ee Caasimadda maamulka  Galmudug ayaa ku waramaya in kooxo hubeysnaa ay xalay weerar ku qaadeen Maqaayadd ku taala magaaladaas.

Maqaayadda ay ku sugnaayeen dad shacab ah ayaa la sheegay in raga hubeysanaa ay rasaas ku fureen,islamarkaana ay goobta ka baxsadeen falka markuu dhacay kadib.

Inta la xaqiijiyay waxaa falkaan ku dhintay 2-ruux, halka dhaawacyo ay kasoo gaareen 3-kale oo kamid ah dadkii ku caweynayay maqaayadda ku taala magaaladda Dhuusa-mareeb.

Dadka weerarka ku dhintay waxaaa kamid ahaa Cumar Nuur Colow oo kamid ahaa dadkii ku sugnaa Maqaayadda ku taala magaaladda Dhuusa-mareeb.

Ragga weerarka fuliyay ayaa la sheegay in ay wateen dharka Tuutaha Ciidamadda Malatariga Dowladda Soomaaliya,ayna sidoo kale ay wateen gaari nooca Soomaalida u taqaano Pro Box,islamarkaana ay ku baxsadeen markii weerarka fuliyeen kadib.

Laamaha amaanka Maamulka Galmudug ayaa ilaa haatan aan ka hadlin weerarka ka dhacay magaaladda Dhuusa-mareeb ee dadka shacabka ah lagu dilay sidoo kalana dad shacab ah lagu dhaawacay.

Sidoo kale Ilaa haatan ma jirto cid loo soo qabtay falkaan ka dhacay magaaladda Dhuusa-mareeb, oo laamaha amaanka maamulka galmudug  ay xaqiijiyeen.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in falkaan uu la xiriira aano qabiil oo dad gaar ah lagu beegsanayay,madaama Magaaladda Dhuusa-mareeb falal noocaan oo kala ah ay ka dhaceyn.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here