Qaar ka mid ah ehelada gabar si arxan daro ah loogu dilay magaalada muqdisho gaar ahaan xaafada buurhindi ee degmada warta nabada ayaa waxa ay dowladda ka dalbadeen in cadaalada loogu marsiiyo ninkii dilay gabadhooda
dhacdada ay ku dhamatay gabadha ayaa aheyd mid naxdin leh kadib markii mid ka mid ah macalin iskuul uu dilay gabar xaaskiisa ah oo ku dhaxday sababta uu u dilayna waxa lagu sheegay in muran xoogan uu soo kala dhexgalay
sidookale qaabka uu u dhacay dilkaan ayaa ka mid si aad ah looga argagaxay ,waxaana la sheegay in macalinka dilka geystay oo magaciisa lagu sheegay macalin bashiir uu inta luga iyo gacmaha ka xiray xaaskiisa uu bireeyay ,iyadoona dadka arkay meydka ay sheegeen in gabadha jirkeeda uu ka muuqday dhaawacyo farabadan
gabadha la dilay ayaa aheyd maamo heysata hal caruur ah ,waxaana lagu magacaabijiray hooyo salaado faarax
qaar ka mid ah elada marxuumada oo ka hadlay warbaahinta simba ayaa waxa ay sheegeen in gabadhooda loo dilay si arxandaro ah islamarkaasna ay u baahanyihiin in dowladdu ay cadaalad u keento gabadhooda

