Banan Baxayo Rabshada Wata Oo Looga Soo Horjeedo Natiijada Doorashada Soomaaliland Oo Ka Dhacay Gibileey

0

wararka naga soo gaaraya deegaanada soomaaliland ayaa waxa ay kusoo waramayaan in rabshado balaaran ay ka dhasheen doorashada ka soconeysa deegaanada soomaaliland

waxaana la soo sheegayaa in dad shacabka ah oo aad u careysan ay saakay banan baxayo waaweyn oo rabshada wata ay ka dhigeen wadada xiriirisa magaalada hargeysa iyo degmada gilbileey oo ka tirsan deegaanada soomaaliland

dadkaan banan baxa dhigayay ayaa waxa ay wadada ku jareen dhagaxyo waaweyn iyagoona gubayay laguha baabuurta ama taagero ,waxaana ay ku hadaaqayeen in aysan aqbalayn natiijada kasoo baxday doorashadii ka dhacay  soomaaliland

waxaana dadkaan banan baxaya ay dadka iyo gadiidkaba u diidayeen in ay isticmaalaan wadadaasi oo isku xirta magaalooyinka hargeysa iyo gibileey ee deegaanada soomaaliland

Arinta dhalisay banan baxaan ayaa waxa uu lagu sheegay in ay tahay kadib markii dadka reer gibileey ay aad uga xumaadeen in musharaxa uruurka uxid uu kusoo bixiwaayay doorashadaii dhacday ,waxaana ay sheegeen in arintaasi aysan cadaalad aheyn oo coddadkoodii la musuqmaasuqay

majirto wax wara oo kasoo baxay maamulka soomaaliland oo looga hadlayo banan  baxyada  rabshadaha ee  maantay ka socnaya deegaan duleedka  ka ah degmada gibileey

gudiga doorashooyinka soomaaliland ayaa ku dhawaaqay saacadihii aan soo dhaafnay natiijada codadkii la dhiibtay ee doorashada soomaaliland gobolada qaar iyadoona kuwa kale la rajeynayo in guddigu uu shaaciyo

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here