Wararka ka imaanaya Sh/dhexe ayaa sheegaya in ciidamada dowladda ay isaga baxeen degaanno hoos yimaad degmooyinka Jowhar,Raaga Ceelle iyo Mahadaay islamarkaasna ay la wareegeen xubno ka tirsan dagaalamayaasha al-shabaab.
Al-shabaab wararka ay ku faafiyaan barahooda dhinaca interneetka waxa ay ku sheegteen in ay ciidamada dowladda kala wareegeen deegaannada kala ah Warciise,Qoordheere iyo Wararaxleey kadib markii ay isaga kaga bexeen ciidamo uu watay talyaha ciidanka xooga Jeneraal Odawaa yuusuf raage kaasi oo muddooyinkii dambe ku sugnaa deegaano ka tirsan shabeelaha dhexe oo ay ka dhacayeen dagaalo u dhexeya ciidanka dowladda iyo al-shabaab.
Al-shabaab waxa ay intaasi ku dareen in ciidamada oo boqolaal ah islamarkaana wata gaadiida dagaalka ay gaareen deegaanka Biya Cadde halkaas oo ay saldhig ku leeyihiin ciidamada Burundi.
waxaana ay al-shabaabguulo ka sheegteen weeraradii saacadiihii lasoo mdhaafay ka dhacay shabeelaha dhexe iyaga oo sheegay in Khasaaraha dhimasho ee ka dhashay dagaalkii Warciise uu gaarayo 23 askari oo ay kamid yihiin sedax sarkaal.
sidookale waxa ay sheegeen Al Shabaab in ay gacanta ku dhigeen gaari dagaal oo ciidamada dowladda ay uga tageen tuulada Warciise ee gobolka shabeelaha dhexe.

