Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarado dagaal oo duqeymo xalay ilaa saakay ka wada deegaano ka tirsan gobolka gedo
Diyaaradahaan ayaa waxa la sheegay in ay yihiin kuwa ay leedahay dowladda Kenya oo xalay saqdii dhexe duqeymahaan ka bilaabay deegaano badan oo mid ah gobolka gedo ee koonfurta soomaaliya
Dadka deegaanka ayaa waxa ay kusoo waramayaan in duqeymahan ay dhaliyeen khasaare badan oo iskugu jira dhimasho iyo dhaawac
Deegaanada la duqeeyay iyi kuwa kale oo ilaa iyo hada diyaaradaha Kenya duqeynayaan ayaa waxa ka mid Ceel cade likooley lahelay warburay burcalaan dhamaso iyo deegaano kale oo dhamantood hoostaga magalooyinka garbacaarey baladxaawo ceelwaaq iyo baardheere ee gobolka gedo
Inta laxaqiijiyay laba qofood ayaa ku dhimatay duqeynahani oo labaduba ahaa hooyo iyo cunug ay dhashay
Waxaana la sheegay in hoyadaasi lagu magacaabo hooyo sahro aadan
Sidookale waxa ku dhaawacmay 6 ruux oo 5 ka mid ah ay caruur ahaayeen
Isgaarsiinta deegaanada ay duwqeyntu ka socoto ayaa go,an mana jirto wax faahfaahin intaasi dheer oo laga helayo duqeymahaasi oo la sheegay in ay fulinayaan laba diyaaradood oo ay leedahay Kenya
Deegaanada la duqeyay ayaa sidookale waxa adag in xogtooda la helo maadaama ay yihiin kuwa kuyaal miyiga
Saraakiisha ciidamada dowladda wali ka aysan hadlin duqeymaha diyaaradaha Kenya ka wadaan gobolka gedo

