iyadoo maantay la filayo in lasoo gabgabeeyo shirka wadatashiga qaran ee arimaha doorashooyinka ayaa waxa durbadiiba ka horyimid golaha siyaasiyiinta gobolada waqooyi garabka cabdi xaashi kuwaasi oo sheegay in aan laga qeyb galin shirkaasi
waxaana ay cadeeyeen in aysan qeyb ka aheyn qodobada lagu heshiiyay iyo waxkasta oo kasoo baxa shirka maantay lasoo xirayo
arinta gobolada waqooyi ayaa waxa ay ka mid aheyd qodobadii ugu adkaa ee laisku mariweysanaa shirka ka socda muqdisho ,waxaana ku kala qeybsamay oo isku heysta ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka iyo cabdi xaashi cabdilaahi oo ah gudoomiyaha aqalka sare
waxaana la tilmamay in hada ay socdaan dadaalo arintaan lagu xalinayo oo ay wadaan qaar kamid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo ra’iisul wasaare rooble


