Warar aan ka helayno deegaano ka tirsan gobolka mudug ayaa waxa ay kusoo waramayaan in xalay ciidamada booliska maamulada Galmudug iyo puntland ay howlgalo si wada jir ah uga fuliyeen xaafado ka tirsan magaalada gaalkayo
Howlgaladaan ayaa waxa la sheegay in ay ahayeen kuwa amniga lagu xaqiijinayay islamarkaasna ay iska kaashanayeen booliska labada dhinaca
waxaana si gaar ah howlgalada looga fuliyay waqooyiga iyo koonfurta magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka mudug
saraakiisha ciidamada labada mamaul ayaa waxa ay sheegeen in howlgaladaan ay yimaadeen kadib markii mudooyinkii dambe magaalada ay kusoo bateen fallalka amni daro
waxaana la tilmaamay in howlgaladaan lagu soo qabqabtay dad aad u farabadan kuwaasi oo looga shakisanyahay in ay ka dambeeyeen falalka amnidaro ee ka dhacayay magaalada gaalkacyo

