Midowga Afrika Oo Cadeeyay in uu Ka Xunyahay Diidmadii Soomaaliya Ee Ergaygii loo soo magacaabay

0

Midowga afrika ayaa waxa uu sheegay in uu ka xunyahay Go,aankii Soomaaliya ay ku diiday ergaygii dhawaan midowga afrika usoo magacowday soomaliya ee john mahama oo ahaa madaxweynihii hore ee dalka Ghana

Waxaana Dowladda Soomaaliya ay sheegtay in ay ku diiday sababto la xariira in ergaygaan uu xariir dhaw la leeyahay kenya oo soomaaliya haatan ay kala dhexeyso xurgufyo iyo khilaaf siyaasadeed islamarkaasna Soomaaliya ay doonayn in uu ergaygu uu Soomaaliya markale ka bilaabo kala qeybta dadka Soomaaliyeed

Dhawaan ayayna dowladda soomaaliya ay Warqad ay ku dalbaneyso in ergaygaan labadalo udirtay gudoomiyaha midowga afrika muuse mahamed faki iyadoona Soomaaliya ay ku wargalisay inaysan marnaba soo dhaweyn ergaygaan

John mahama oo ahaa ergayga midowga afrika usoo magacawday soomaaliya ayaana iscasilay kadib markii madaxda dowladda soomaliya ay diiday in uu cagta soodhigo deegaanada soomaaliyeed

ergaygaan midowga afrika ayaa waxa la shaqadiisu ay aheyd in uu ka shaqeyo xalinta arimaha karin Soomaaliya balse sida uu sheegay wasiirka arimaha dibada xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in ergaygaan uu xiriir laleeyahay kenya horayna uu uga soo shaqeyay

Midowga afrika ayaa haatan soo saartay walaac xoogan oo ay ka qabto diidmada Soomaaliya iyadoona arintaasi nasiib daro ku tilmaamay

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here