Barqanimadii maanta ayaa waxa uu dab xoogan qabsaday maqaaxida qoobey ee ku taal xaafada laba dhagax ee degmada warta nabada
Dabkaan ayaa waxa uu ka dhashay fiilo koronto iyo haan gaas
Waxaana uu dhaliyay khasaare ubadnaa mid hantiyadeed
Wajiga hore ee maqaayada ayaa basbeey oo gabi,aanba gubtay iyadoona dab oo si xoogeystay ay sababtay in uu mu siifido dabku guriyaha maqaayada ku dhagnaa
Waxaana gubtay guri kale oo maqaayada dhinaca ku hayay
Gawaari gargaarka degdega ah ee dabdamiska ayaa goobta uu dabku ka kacay gaaray iyadoona lagu guuleystay in ladamiyo dabkaasi
Ciidamada amaanka dowaladda ayaa hada ku sugan maqaayada iyagoo dadka u diidaya in ay u dhawaadaan maqaayada iyo goobaha kale ee gubtay

