Ciidamada maamulka hirshabeele ayaa saakay howlgalo balaaran kawada deegaano dhoqwr ah oo shalay ay ka dhaceen dagaalo khasaare badan dhaliyay oo u dhexeeyay ciidamo macawisley ah iyo kuwa maamulka hirshabeele
Warar aan ka helayno maagalada jowhar ayaana kusoo waramaya in dhan kooxda macawisleeyda ay dhankooda dhaqdhaqaaqyo ciidan ay ka wadaan deegaano duleedka ka ah magaalada jowhar
Dagaalka ciidamada maamulka hirshabeele iyo kooxda macawisleyda ayaa waxa la sheegay in uu salka ku hayo maaliyada kasoo xaroota magaalada jowhar iyo deegaanada ku teetsan iyo cidda qaadeysa iyo sidookale isbaarooyin dhowr ah oo la qaaday
Maamulka hirshabeele ayaa waxa uu soo saaray amar ah in lacagaha hal qasnad ay ku dhacdo taasi oo ah tan maamulka hirshabeele balse waxaa la sheegay in Ciidamada ay taasi kasoo horjeesteen islamarkaasna ay keentay in labada dhinac ay dagaalamaan
Mid ka mid ah bkooxda macawisleyda ayaa waxa uu ku gooday in dagaalka aysan joojin doonin hadii maamulka hirshabeele uusan soo deyn maxaabiis uu ka heysto
Waxaana uu intaasi ku daray inay ay qabsan doonan deegaano iyo degmooyin ka tirsan jowhar islamarkaasna ay kordhoinayaan weerarada ay ku qaadayaan ciidamada mamaulka hirshabeele
Kooxda macawisleyda oo ah maleeshiyaad ka dhisan deegaanada maamulka hirshabeele ayaa waxa ay kusoo ifbaxeen dagaalo ay la galeen al-shabaab
Waxaana haatan ay fooda isdareen dagaal qarar maamulka hirshabeele kaasi oo aan la ogeyn waqtiga uu dhamaanayo
Ciidamada maamulka hirshabeele oo saakay dhaqdhaaqyo ciidan wada ayaa waxa ay sheegeen in dagaaladii dhacay deegaano duleedka ka ah jowhar ay ka saareen ciidamadii macawisleyda ahaa alow dhankooda kooxda macawisleydu ay sheegeen in deegaanadii lagu dagaalamay ay dib ugu soo laabteen

