Shirka Wadatashiga Qaran Oo Qarka Usaaran Inuu Dib Udhaco

0

Shirka wadatashiaga ah oo ayb yeelanayaan madaxweynayaasha maamul goboleedyada dalda iyo madaxda dowladda oo maanta oo khamiis ah lagu wado in uu ka furmo ayaa qarka hada u saaray in uu dib uga dhaco waqtigii lagu balamay

Sababta u dib u dhaca ku keeneysa ayaa waxa ay tahay in Qaarka mid ah madaxweynayaasha dowlad goboleedyada aysan wali soo gaarin magaalada muqdisho

Waxaana la tilmamaay in la doonayay masuuliyiintu ay waqti hore yimaadaan si shirku uu u furmo waqtiga rasmiga ah oo maanta ah

Xukuumada soomaaliya oo ka hadashay shirkaan ayaa waxa ay sheegay in shirka u diyaar garowgiisa uu socdo ay ayna kaliya sugayaan wufuuda ka qeyb galeysa shirka oo goordhw kusoo wajahan

Afhayeenka xukuumada  xilgaarsiinta maxamed ibraahim macalimow oo BBc  lahadlay ayaa waxaa uu carabka ku dhuftay in shirka uu maantay furmayo wax baaqasho ahna aysan jirin

Waxaa uu intaasi ku daray in kada ay wadaan kulamo hordhac u ah shirka oo looga hadlayo qaabka uu u furmayo shirka

Madaxweyne qoor qoor kaliya ayaa haatan muqdisho soo gaaray iydoo ay madaxweynayaasha kale ee maamul goboleedyada aysan imaan

Waxaana cabsi badan laga muujinayaan in shirka uu baaqdo ama dib u dhac uu ku yimaado

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here